DAAWO VIDEO: Nuxurka Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shirka Jaban iyo Afrika & arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Japan (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan (TICAD).

Wuxuuna Madaxweynuhu soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira guud ahaan Dalalka Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu Garab istaago Waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya deris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

”Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay billow fiican, kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dedaalladii dib u heshiisiineed iyo kuwa iskaashiga Saddex geesoodka ah ee Dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Ugu dambeyn, Kulankan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com