Sunday, June 21, 2026
25.5 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa Taallooyinka laga dhisay Muqdisho! & Jawaabta Sheekh Shibli ka bixiyay.

Sheekh Maxamuud Shibli /Photo: Halqaran.com

Nairobi (Halqaran.com) – Sheekh Maxamuud Shibli oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay taallooyinkii dhawaan dib looga taagay qeybo ka mid ah Caasimadda Muqdisho iyo waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka.

Sheekh Shibli ayaa sheegay in shareecada islaamka aysan meelna uga qorneyn in taallooyin la sameeyo magac kasta haloo yeelo ama maamuus maqaam.

“Si kooban Shareecada Islaamka ma qabto in taalooyin la dhiso magac kasta haloo yeelo, ama maamuus maqaam” ayuu yiri Sheekh Shibli.

Wuxuu kaloo xusay Sheeku, in taallooyinka loo xaaraantinimeeyey, iyadoo laga cabsanayo inay ka dhalato fidnimo iyo fasaad, sidaasna uu Rasuulka (SWC) ku amray in la burburiyo taallo kasta oo la arko.

Halka hoos ka Daawo Muuqaalka Sheekh Shibli & Jawaabtiisa:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...