Friday, June 19, 2026
26.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Nabad Sugidda oo BaledXaawo ku soo bandhigtay Dad howlgal qorsheysan ay ku soo qabatay (Maxay ahaayeen Dadkan?)

BaledXaawo (Halqaran.coom) – Ciidamada Nabad Suggida Degmada BaledXaawo ee Gobolka Gedo, ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmadaasi iyo tuulooyin hoostagga waxa ay ku soo qabteen shaqsiyaad kala duwan oo ciidanka ay tuhmayaan.

Ragga la soo qabtay ayaa isugu jiray xubno Al-Shabaab ku eedeysan iyo rag kale oo ku eedeysan inay ka ganacsanayeen Maandooriyaha Xashiishka.

Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo Cali Deyr oo Warbaahinta kula hadlay BaledXaawo ayaa sheegay in hawlgal gaar ah oo laga fuliyay Tuulada Hareeri tuure lagu soo qabtay Nin lagu Magacaabo Xareed Muxumed, kaas oo si dhuumaaleysi ah ku joogay Tuuladaas.

Waxa uu sheegay Taliyaha ragga Al-Shabaab ee falka tuhunka lagu soo qabtay baaris in la marsiin doono, islamarkaana maxkamad loo gudbin doono.

Hawlgalada lagu sugaayo ammaanka Degmada Baled Xaawo iyo deeganada hoostagga ayuu sheegay Taliyaha inay sii socon doonaan, islamarkaana Ciidamada ay gacanta ku soo dhigi doonaan dadkii ay ka tuhmaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...