DAAWO SAWIRRO: Nabad Sugidda oo BaledXaawo ku soo bandhigtay Dad howlgal qorsheysan ay ku soo qabatay (Maxay ahaayeen Dadkan?)

BaledXaawo (Halqaran.coom) – Ciidamada Nabad Suggida Degmada BaledXaawo ee Gobolka Gedo, ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmadaasi iyo tuulooyin hoostagga waxa ay ku soo qabteen shaqsiyaad kala duwan oo ciidanka ay tuhmayaan.

Ragga la soo qabtay ayaa isugu jiray xubno Al-Shabaab ku eedeysan iyo rag kale oo ku eedeysan inay ka ganacsanayeen Maandooriyaha Xashiishka.

Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo Cali Deyr oo Warbaahinta kula hadlay BaledXaawo ayaa sheegay in hawlgal gaar ah oo laga fuliyay Tuulada Hareeri tuure lagu soo qabtay Nin lagu Magacaabo Xareed Muxumed, kaas oo si dhuumaaleysi ah ku joogay Tuuladaas.

Waxa uu sheegay Taliyaha ragga Al-Shabaab ee falka tuhunka lagu soo qabtay baaris in la marsiin doono, islamarkaana maxkamad loo gudbin doono.

Hawlgalada lagu sugaayo ammaanka Degmada Baled Xaawo iyo deeganada hoostagga ayuu sheegay Taliyaha inay sii socon doonaan, islamarkaana Ciidamada ay gacanta ku soo dhigi doonaan dadkii ay ka tuhmaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com