Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Japan

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu.

Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Dowladda Japan waxa ay balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada, dhawaanna ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...