DAAWO SAWIRRO: Kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga oo Muqdisho la keenay +VIDEO

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidan cusub oo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa waxay gelinkii dambe ee Khamiistii soo gaareen Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay tababaro ku soo qaateen Dalka Turkiga.

Ciidankan oo dhalinyaro u badan ayaa waxaa loo soo tababaray inay ka qayb qaataan dagaalka ay Dowladda Federaalka Somaliya kula jirto maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Kumaandooskan ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga, General Varmeyez.

General Maxamed Cali Bariise, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Kumaandooskan ay ka tirsan yihiin Ururka 3aad ee Guutada Gorgor.

Taliye Kuxigeenka oo sheegay in lagu diirsaday soo laabashada ciidankan ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in loo diyaariyay la dagaalanka maleeshiyada Ururka Al Shabaab, si ay uga saaraan dhulka ay dalka kaga sugan yihiin.

Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya oo hadal ka jeediyay goobta lagu soo dhaweeyay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ayaa Dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada ay markasta la garab joogto Somaliya.

Wasiir Amar Dambe ayaa wuxuu ciidanka kula dardaarmay in ay u diyaargaroobaan ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah dagaal-yahanada Al Shabaab.

Dalka Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Soomaaliya leedahay, iyadoo uu ka caawiyo tababarada ciidamada, dib u dhiska dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com