Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee DANAB oo howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanno +(SAWIRRO)

Jamaame (Halqaran.com) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo ay wehlinayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5aad ee kumaandoosta DANAB Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen deegaannada Koban, Araare iyo Bangeeni oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in howlgallada ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay si wadajir ah u fulinayeen Ciidamada Mareykanka ee AFRICM iyo kuwa xoogga dalka, taas oo uu sheegay in lagu diley 12 xubnood sida uu hadalka u dhigey.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn, sheegay, in howlgallada ay sii soocon doonaan ilaa iyo inta ay Ciidanka dowladda kula wareegayaan degmada Jamaame oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, howlgalkan Ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli saacadihii la soo dhaafay ay dagaalo ka dhaceen deegaanka Baar Sanguuni ee Gbolkaasi Jubbada Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...