Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Difaaca ee dalka Koonfurta Kuuriya ayaa sheegtay in ay qorsheyso ballaarinta Ciiddankooda haatan ka howlgala Xeebaha Soomaaliya ee qeybta ka ah Ciiddamadda Caalamiga ah ee ladagaallanka Burcad baddeeda.
Koonfur Kuuriya ayaa sheegtay in ciidamadani howshoodu ay ballaarantahay lana gaarsiin doono ilaaa biyaha gacanka Homuz ee u dhow dalka Iiraan.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadani aysan qeyb ka aheyn isbaheysiga Mareykanka, balse ay qaban doonaan howlo madaxbannaan.
Qeybta 300 oo loo yaqaano “Cheonghae Unit” oo qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeednimada ee ku sugan Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ayaa ballaarin doonta aagagga ay ka howlgasho, waxaana ay isku fidin doonaan gacanka Cumaan ilaa gacanka Bershiya.
Si kastaba, ciidamada badda ee la dagaallanka burca -badeedda ee Koonfurta Kuuriya ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya tan iyo 2009-kii.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com