Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Koonfurta Kuuriya oo loo soo dirayo Xeebaha Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Difaaca ee dalka Koonfurta Kuuriya ayaa sheegtay in ay qorsheyso ballaarinta Ciiddankooda haatan ka howlgala Xeebaha Soomaaliya ee qeybta ka ah Ciiddamadda Caalamiga ah ee ladagaallanka Burcad baddeeda.

Koonfur Kuuriya ayaa sheegtay in ciidamadani howshoodu ay ballaarantahay lana gaarsiin doono ilaaa biyaha gacanka Homuz ee u dhow dalka Iiraan.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadani aysan qeyb ka aheyn isbaheysiga Mareykanka, balse ay qaban doonaan howlo madaxbannaan.

Qeybta 300 oo loo yaqaano “Cheonghae Unit” oo qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeednimada ee ku sugan Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ayaa ballaarin doonta aagagga ay ka howlgasho, waxaana ay isku fidin doonaan gacanka Cumaan ilaa gacanka Bershiya.

Si kastaba, ciidamada badda ee la dagaallanka burca -badeedda ee Koonfurta Kuuriya ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya tan iyo 2009-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...