Ciidamada qaranka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanno cusub oo…

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku guuleystay in ay kooxda Shabaab kala wareegaan deegaannada Leego iyo Yaaq bariweyne ee gobolkaas.

Maxamed Cabdullaahi Carraale oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta tuulooyin hoos taga degmada Wallaweyn kuwaas oo ay ka mid yihiin deegaannada Leego, Yaaq bari weyne, Madax maroodi iyo deegaanno kale.

Gulufka ay ciidamadu kula wareegeen deegaannadaas ayuu taliyuhu sheegay in ciidamada Xoogga Dalku ay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen kooxda isaga oo sheegay in ay ka dileen ku dhawaad 15 maleeshiyo ah isla markaana ay ka gubeen gaadiid dagaal.

Ciidamada xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa bilihii u dambeeyay gobolka Shabeellaha Hoose ka waday howlgallo ay al-Shabaab kaga saarayaan tuulooyinka qaar ee ay kaga suganyihiin gobolkaaas.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ciidamada dowladdu la wareegeen deegaannada Sabiib, Caanoole iyo Shalaambood, kuwaas oo ahaa deegaanno ay go’doomiyeen Shabaabku waxaana suura gashay in dowladda Soomaaliya ay deegaannadaasi ka hirgelisay mashaariic ballaaran oo oo loogu adeegayo bulshada halkaas ku dhaqan kuwaas oo isugu jira gargaar cunno mid caafimaad iyo adeegyo bulsho oo kale.