Cumaan (Halqaran.com) – Haitham bin Tariq Al Saciid ayaa loo Magacaabay inuu noqdo boqorka cusub dalka Cuman, kadib dhimashadii ina adeerkiis Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, sidda ay ku warantay Warbaahinta Gudaha ee Cumaan.
Wasiirkii hore ee dhaqanka ayaa la dhaariyey kaddib markii ay soo gudbiyeen qoyska Boqortooyada.
Dastuurka Cumaan ayaa wuxuu dhigayaa in qofka guuleysta uu u magacowdo qoyska boqortooyada sedex maalmood gudahood markii carshiga uu baneeyey.
Suldaanka waa inuu xubin ka ahaadaa qoyska boqortooyada, sidoo kale waa in uu ahaada “Muslim, qaan gaar, caqli gal ah.
Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com