Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Booliska Galmudug oo beeniyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab laga sii daayay Xabsiga Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka booliska Galmudug Gashaanle Sare Cabdikariim Xuseen Macalin ayaa si cad u beeniyay hadalkii taliyaha Ciidanka Booliska Dhuusamareeb ee ku aadana in taliska uu xabsiga ka sii daayay xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Gaashaanle sare Cabdikariim Xuseen Macallin ayaa sheegay in laga doonaayo taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga Dhuusamareeb caddeymo ku aadan warka uu warbaahinta la wadaagay ee ku aadan in Al-Shabaab xabsiga laga sii daayay.

Sidoo kale, waxa uu sheegaya in taliska Galmudug uu dagaal kula jira Al-Shabaab, islamarkaana aysan suurtagali karin ruux Shabaab ah in xabsiga laga sii daayo.

Taliyihii Booliiska Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqey in uu iska casilay Xilkii uu hayay.

Dhamme Burhaan Axmed ayaa is-casilaadiisa ku sabeebeyey Shaqsiyaad ku eedeysan dambiyo kala duwan Xabsiga Dhuusamareeb ay kasii daayeen saraakiisha Sare ee Booliiska Galmudug.

Wuxuu intaasi raaciyay in bilihii la soo dhaafay ay xireen dhowr qof oo ahaa Shabakado isku xariira, islamarkaana dadkaasi xabsiga laga siidaayay xilli ay ku socotay baaris.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...