Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

Banaanbax maanta ka dhacay BAYDHABO

Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa Sabtidii maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur ka dhacay Banaanbax lagu taageeraayo Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Baydhabo, ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaaladaasi, kuwaasi oo taageero u muujinaayay Xildhibaanada cusub.

Waxa ay sheegeen dadkii Banaanbaxa dhigaayay inay soo dhaweynayaan Xildhibaanada oo u badan dhalinyaro, islamarkaana keeni karo isbedel iyo horumar Maamulka uu gaaro.

Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed ayaa waxay u badan yihiin wejiyo cusub, iyadoo dhalinyaradana ay si aad ahi uga soo muuqdeen.

Boqolkiiba toddobaatan (70%) ayaa waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed lagu sheegay in ay dhalinyaro yihiin.

Inta badan Xildhibaanadii Baarlamaanka Koobaad Koonfur Galbeed ayaan ku soo laaban Baarlamaanka Labaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...