Saturday, June 6, 2026
27.7 C
Mogadishu

ARAG SAWIRRADA: Siddeed Nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo maanta lagu soo bandhigay Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa Arbacadii maanta magaalada Kismaayo lagu soo bandhigay siddeed nin oo sida la sheegay ka mid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Hay’adda Nabad Suggida Jubbaland ayaa raggaasi ku soo bandhigtay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Raggan ayaa waxaa la sheegay inay ka towbad keeneen fekerka khalafsan ee Shabaabnimada, isla-markaana ay isu soo dhiibeen Maamul Goboleedka Jubbaland.

Taliska Nabad Suggida ayaa baaritaan dheer kadib la sheegay in raggaasi uu ku wareejiyay maamulka xarunta lagu dhaqanceliyo Shabaabka isa soo dhiiba, ee ku taala Magaalada Kismaayo.

Si kastaba, isa soo dhiibista raggan ayaa timid, kadib baaqii bishii hore ka soo yeeray General Aadan Maxamuud Ibraahim, Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland, ee ku aadanaa inay isa soo dhiibaan maleeshiyada Shabaabka, ka hor inta aan dagaalka lagu soo qaban.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...