Sunday, June 21, 2026
25.3 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo laba nin ku gowracay gobolka Shabeellaha Hoose & dadkii oo argagaxay

Afgooye (Halqaran.coom) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in gobolkaasi lagu gowracay laba nin, taasoo argagax ku abuurtay bulshada qaybteeda.

Labadan nin ayaa waxaa xalay lagu gowracay Deegaanka Muuri oo 15km u jira Degmada Afgooye, waxayna saakay dadka ku soo tooseen meydadka labadaaasi nin oo wadada dhinaceeda yaala.

Maxamed Abuukar oo ka mid ah dadka reer Muuri ayaa sheegay inay saakay ku waa-bariisteen meydadka labadaasi nin, oo qoorta ka go’an.

Maxamed Abuukar ayaa wuxuu tibaaxay inaanay garanayn ciddii ka dambeysay falkaasi, sidoo kalena uu muuqaalka raggaasi ku cusub yahay.

Waxaa uu intaa ku daray in bulshada ku dhaqan Deegaanka Muuri ay hadalhayso labada nin ee la surgooyay, falkaasina uu argagax-geliyay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaan ka hadlin tallaabada lagu gowracay labadaasi nin iyo weliba ciddii

Ururka Al Shabaab ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku caan-baxay surgoynta, iyadoo ay dad badani nolosha u dhaafiyeen baasasnimo iyo inay ku eedeeyeen la shaqaynta dhinacyada ay dagaalka kula jiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...