Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo galabta meel fagaaro ah ku toogtay Nin dhallinyaro ah, kaddib markii lagu…

Qoryooley (Halqaran.com) – Al Shabaab ayaa Sabtidii galabta xukun dil ah ku fuliyay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu u galmooday nin kale amaba uu ku kacay ficil Qowmu Luud ah.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Qaadi Maadey (Axmadey) ayaa waxaa lagu toogtay fagaare ku yaala Deegaanka Doon Buraale ee duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaadiga Maxkamadda Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa fagaaraha ka akhriyay xukunka Maxkamadda, isla-markaana ay maxkamadda ku heshay eedeymihii ninkaasi loo soo jeediyay.

Qaadiga ayaa sheegay in Axmadey uu qirtay in uu ku kacay ficil Qowmu Luud ah, sidaasi daraadeedna ay Maxkamadda Shabaabka ku xukuntay in la dilo.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ka dib ku dhawaaqay in xukunka la fuliyo, iyadoona ay fuliyeen Ciidamada Xisbada Shabaabka, ee sida booliska u tababaran.

Ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka arrimiso waxay ka fulisaa xukuno kala duwan oo maxkamadaheyda ay dadka ku ridaan, waxayna xukunadaasi fuliyaan, iyagoo oranaaya (Isagaa qirtay/Iyadaa qiratay), mana soo bandhigaan cadeymo intaasi dhaafsiisan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...