Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

AKHRI: Guddiga Doorashada Jubbaland oo Aqbalay Codsiga Beesha Caalamka, War cusubna soo saaray! +XOG CUSUB

Kismaayo (Halqaran.com) – Culeys iyo Cadaadis badan kadib markii uu ka yimid xubnaha Beesha Caalamka ee taageera dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa Guddiga xuduudaha iyo Doorashada Jubbaland isbedel ay ku sameeyeen xilliga doorashada ay dhaceyso, iyagoo dib u furay isdiiwaangelinta Musharaxiinta.

Guddiga ayaa warqad ay soo saareen waxa ay u direen Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya iyo Safaaradaha dowladaha taageera Somaliya.

Warqada ayaa lagu sheegay in dib loo furay xilliga isdiiwaangelinta Musharaxiinta oo fursad ahaan loo siiyay saddex cisho, balse Guddiga waxba kama aysan badalin dhamaan Shuruudihii kale ee ku xayndaabnaa Doorashada.

Doorashada Madaxweynaha ayaa laga dhigay inay dhaceyso 22-ka Bisha oo ku beegan Maalinta Khamiista ee todobaadkaan gudihiisa.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...