Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Xubno ka Mid ahaa Isxilqaameyaasha Gurmadka Fatahaadaha

Muqdisho (Halqaran.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.

sido kale waxaa Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...