Tuesday, May 26, 2026
26.5 C
Mogadishu

Ma Run baa in Hub lagala baxsaday wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si Kulul u beeniyay warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in hub lagala baxsaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliska ayaa sheegay in wararka la baahiyay ay yihiin been abuur, islamarkaana dadka baahiyay in hub lagala baxsaday xarunta Wasaaradda ay yihiin kuwa kasoo horjeedo Dowladdnimadda.

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxigeenka Gen. Maxamed Cali Bariise, oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwa been abuur ah.

“Waxaan halkan ku caddeynayaa in ay been aan sal iyo raad toona laheyn ay tahay wararka sheegaya in hub lagala baxasaday  Wasaaradda Gaashandhigga iyo Taliska XDS. Waa been lagu marin haabaabinayo Ra’yi caamka ah ee dadweynaha oo ay hurinayaan cadowga umadda Soomaaliyeed,waxaan umadda ugu bishaareyneynaa in CXDS yahay astaan u taagan ilaalinta kaaramada, qiyamka iyo midnimada umadda Soomaliyeed isaga oo marnaba aan ka leex leexan baabi’inta iyo cirib tirka cadowga”, ayuu yiri Gen. Bariise.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...