Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee DDS oo markale Maxkamad la soo taagay

Addis-Ababa (Halqaran.com) –Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale waxaa la soo taagay Maxkamada ku taalla Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa fadhiga Maxkamada ka sheegay in intii uu maamulayay dowlad deegaanka soomaalida uusan geysan wax dambi ah,isla markaana si wanaagsan uu u maamulay dadkiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga uu haatan doonayo in la siidaayo oo xurriyadiisa la siiyo,maadaama uusan dadkiisa ka gelin wax dambi ah sida uu hdalka u dhigay.

Intaasi kadib Maxkamada ayaa amar waxaa ay ku bixisay in Xasbiga dib bloogu celiyo,sidoo kalena la soo badnhigo Magacyada iyo sawirada  7 Ruux oo kale,kuwaas oo lagu eedeeyey falal isugu jira, dil, kufsi, barakicin,kuwaas oo ka dhacay Magaalada Jigjiga.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...