Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

Rag saaka lagu riday xukunno iskugu jira dil iyo xabsi daa’in

Muqdisho(Halqaran.com)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukunno kala duwan ku riday rag gaaraya seddax ruux.

Ugu horeyn Maxkamadda ayaa Cali Axmed Guure oo maqan iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ku riday xukun dil toogasho ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa saaka Cabdiraxmaan Sheikh Cilmi Cawaale oo ah guddoomiyihii hore ee degmada Maxaaas ee gobolka Hiiraan ku riday xukun (xabsi daa’in).

Seddaxdaas ruux ayaa loo heystaa ku lug lahaanshaha Qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas ee gobolka Hiiraan, Allaha u naxariistee Rashiid Cusmaan Cabdi oo qarax miino lagu dilay 19-kii bishii 4aad ee sanadkan.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...