Sunday, June 7, 2026
27.6 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Ma Dhabbaa in Amarrada Al-Shabaab Muqdisho iyo gobollada dalka ay ka dhaqan galeen?

Muqdisho (Halqaran.com) – La taliyihii hore ee dhanka ammaanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay dhaqan galeen awaamiir kala duwan oo Al-Shabaab ay ku soo rogeen dadka.

Xuseen Macalin oo Wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay laba arrimood oo Shabaab ay soo rogeen in si toos ah Muqdisho & Gobolada dalka uga dhaqan galeen.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay si toos ah canshuur uga qaadaan ganacsatada ku nool Muqdisho oo markii hore taleefoonka ay ka soo wici jireen, balse hadda xubno Al-Shabaab ka mid dadka ay u yimaadaan oo ay ka qaadaan lacago canshuur.

La taliyihii hore ee Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay sidoo kale inay dhaqan galeen awaamiirta dhanka Cadaaladda ee Al-Shabaab ay soo bandhigaan.

Wuxuu sheegay dad ka taga Magaalada Muqdisho inay u Cadaalad doontaan deeganada Al-Shabaab ay joogaan, taasi oo muujinaysa hanaanka Garsoorka Al-Shabaab inuu awood leeyahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay arrintaasi jawaab deg deg ah ka bixiso, islamarkaana xilligaan aan la joogin waqti Shabaab Muqdisho canshuur ay ka qaadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...