Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliya oo si habsami leh uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furay shirka, iyadoo hareerihiisa fadhiyaan Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo kan Midowga Afrika.

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa ka qayb galaya in ka badan 50 dowladood oo ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, arrimaha looga hadlayo shirkaan waxaa ka mid ah Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

Shirkaan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa maalinta Berri ah waxaa soo xiri doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa ka maqan Shirka Maamul Goboledyada Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay ka qayb galka Shirkaasi.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka Shirkaasi caalamiga ah ee maanta ka furmay Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...