Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

UPDATE: Ammaanka Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay & Farmaajo oo ku wajahan

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay ilaa iyo saaka si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee dhawaan la geeyay magaalada ayaa saaka ku sugan inta badan Isgoyska Magaalada iyo Waddooyinka laga soo galo.

Sidoo kale, waxaa si weyn loo adkeeyay Ammaanka Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Ciidanka ku sugan lagu kordhiyay Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Isniinta maalinta uu gaaray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta beelaha maamulka Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...