Johannesburg (Halqaran.com) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah loo dhaariyay ka mid noqoshada Pan African Parliament.
Xildhibaanadan ayaa ku meteli doona Pan African Parliament Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhawaan u magaacabay xildhibaanadaan inay Baarlamaanka wakiil uga noqdaan Pan African Parliament (PAP).
Sidoo kale, Baarlamaankan oo loo yaqaano Baarlamaanka Afrika, waa hay’adda sharci dejinta ee Midowga Afrika, waxaana la qabtay kalfadhigiisii ugu horreeyay bishii Maarso 2004 xilligaas oo dhidibada loo taagay.
Hadafka loo aas-aasay Baarlamaanka ayaa wuxuu ahaa abuurista golle ay ku kulmaan madaxda ka socda dhammaan Baarlamaannada waddamada Afrika, si ay uga tashadaan siyaasadaha iyo arrimaha kale ee saameeya guud ahaan qaaradda Afrika.
Markii hore xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika waxay ku taallay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, balse markii dambe waxaa loo raray Midrand, Johannesburg, Koonfur Afrika.
HalQaran News Desk, Nairobi
Halqarannews@gmail.com





