Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

khasaare ka dhashay bannaanbaxyo Xoggan oo Maaanta ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Hargeysa (Halqaran.com) – Banaanbaxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xubnaha mucaaradka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka dhaceen magaalooyinka qaar ee ugu horeysa Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.

Kumannaan Shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka,kuwaasi oo ku qaylinaya Erayo ka dhan ah Xukuumadda talaada haysa, waxaana horay banananbaxyadaasi ugu dhawaaqay Guddoomiye yaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Soomaliland.

Sido kale muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada waxa ay muujinayeen dadweyne aad u farabadan oo waddooyinka ku bannaanbaxaya, kana soo horjeeda Nidaamka hadda talada haya ee uu hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi oo Waqtigiisa dhamaaday.

Taliyaha howlgaleinta Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye guute Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa sheegay in bannaanbixii Maanta ay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Tiro intaasi ka badan, oo ay ku jiraan Askar katirsan Ciidamada Somaliland.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay u diyaar garoobeen banaanbaxa loo ogolaaday labada Xisbi, balse ay diideen madaxada Xisbiyada, isla markaana Maanta ay ku banaanbaxeen meelo kamid ah Goobihii loo ogolaaday.
Asaga oo sii wata hadalka ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxayaasha qaarkood ay hubeysnaayeen ayaga oo dagaal ku qaaday Ciidamadii booliska Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha.
Sareeye guute Ibraahim Cabdi Xaaji Taliyaha Booliska Soomaalilana ayaa  wuxuu uu cadeeyay in 27 qof oo Shacab ah ay  ku dhaawacmeen banaanbayadii Maanta gaar ahaan kuwii ka kala dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Ceerigaabo, isla markaana Ciidamada ay xireen in ka badan 100 Ruux oo loo heysto rabashadihii dhacay ayna mas’uul ka yihiin Xisbiyada mucaaradka.
Ugu dambeyn Mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland ayaa si weyn isugu haya qabashada doorashada hoggaanka maamulkaasi oo ku asteysan 13-ka bisha Novembare ee sanadkaan 2022-ka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...