Maxaas(Halqaran.com) – Waxaa sii xoogeysanaya xaaladaha nafaqa darro iyo Abaarta kajirta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, taas oo saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo Carruur dhowr ah ay u geeriyoodeen.
Yaxye Cabdi Garuun oo ah Agaasimaha Isbitaalka degmada Maxaas ayaa sheegay in lix Carruur ah ay degmada ugu geeriyoodeen xaaladaha nafaqa darro, welina ay sii jirto xaaladaha ay sabababeen macluusha darn ee ka jirta deegaankaasi.
Agaasimaha ayaa in taasi wuxa uu ku daray in Abaarta iyo nafaqa darrada ay siweyn u saameysay dadka kunool tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas , sigaar ahna u saameysay,Carruurta da’doodu ka yartahay shanta sano, isla markaana maalin walba ay nafaqa darro ay u geeriyoodaan laba ama Saddex Caruur ah ku sagan halkaasi.
Sidoo kale asga oo ka sii waramayay Xaalada deegaanadaasi ayuu yiri “in degmada Maxaas xilligaan aysan jirin hay’ado ka howlgalla, sidoo kalena aysan wax gurmad ah ka helin Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed”.
Agaasimaha wuxa uu sheegay in Isbitaalka degmada Maxaas uu yahay Isbitaal ay ku tiirsan yihiin dadka ka kala yimaado degmooyinka Ceelbuur iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Sh/dhexe, kuwaas oo aanan laheyn adeegyadii Caafimaad ee loo baahnaa, isaga oo walaac ka muujiyay,xaalada caruurta nafaqadarada soo ridaneyso.
Ugu dambeyn Degmada Maxaas ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS,waxaana xilligaan kajira dhibaatooyin badan oo ka dhashay abaaraha ka jira Dalka .
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





