Muqdisho (Halqaran.com) –Kooxo hubeysan ayaa Maanta waxaa Xaafada Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday Nabaddoon ahaa oo lagu Magacaabi jiray Nabaddoon Warsame Ismaaciil.
Dilka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay sida aynu wararka ku helayno Xaafadda Baar-ubax oo sida la sheegay uu degganaaa Marxuumka la dilay maanta.
Nabaddoonka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Taliyaha Cusub ee NISA, oo ka hor intaan loo magacaabin Taliyaha NISA kusoo guulaystay Xildhibaan Golaha Shacabka ah.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa marar badan lagu dilay odayaal iyo ergooyin wax kasoo doortay xildhibaanada golaha shacabka, Al Shabaab ayaana horey u sheegtay in ay dili doonaan cid kasta oo kamid noqota ergooyinka dooranaya xildhibaanada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





