Tuesday, May 26, 2026
27.8 C
Mogadishu

Warsaxaafadeed “Beesha Caalamka oo ka hadashay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa”

Hargeysa(Halqaran.com)- Beesha Caalamka ayaa ka hadashay rabshado ka dhashay banaanbixii shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ee looga horjeeday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo ku jiray Xildhibaan Barkhad Batuun.

“Saxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee maanta, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado”.

Waxay soo jeediyeen in si loo ilaaliyo, nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada, ay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada, si layskula afgarto sidii hore loogu dhaqaaqi lahaa.

“Si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada Somaliland waxa muhiim ah, in dhamaan dhinacyadu ka qayb qaataan wadahadalo wax ku ool ah, oo joogto ah, si is afragad looga gaadho sidii hore loogu sii socon lahaa”.

Rabshadaha ayaa ka dhashay ka dib markii Ciidamada Ammaanka Somaliland ay rasaas nool u adeegsadeen kala eryida Dad shacab ah oo ay horkacayeen Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, kuwaasi oo bannaanbax ka dhigayay Bartamaha Hargeysa.

War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxaana dalalkaan ay Somaliland ka taageeraan doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...