Saturday, June 6, 2026
26.9 C
Mogadishu

Guddiga FEIT oo ka hadlay kala diristii lagu Sameeyay. AKHRISO.

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa sheegay in xaalado adag iyo culeys badan uu la kulmay muddadii uu ku howlanaa qabsoomidda Doorashada labada Gole Baarlamaanka 11aad JFS.

Qoraal uu soosaaray Guddiga FEIT ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dedaal badan geliyay sidii uu ugu babac-dhigi lahaa caqabadaha kala duwan ee uu la kulmay Guddigooda.

Guddigu Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahadcelinaynaa Ra’iisulwaasaraha JFS Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay. Sidoo kale hagistiisii iyo  iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka” ayaa lagu yiri qoraal uu soosaaray Guddiga FEIT.

“Bulshada, Daneeyaashii Doorashada Dadbaneyd ee Dalka ka dhacday & Guddiyadii kale ee shaqada kala dhaxeysay ayuu ugu mahadceliyay doorka ay ka qaateen in la dhammeystiro Doorashada muddada dheer socotay, waxa uu FEIT sheegay in ay ku garab istaageen qabsoomiyadda doorashadaas”.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada  sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay. Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan  sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba” ayaa lagu yiri qoraalka FEIT.

 

Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...