Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Diblomaasi reer Eritrea ah oo Farmaajo ka codsaday in dib loo siiyo Dhalashadiisa Soomaaliya!!!

Waa sawirka Diblomaasiga reer Eritrea ee Farmaajo codsiga dirsaday.

Eritrea (Halqaran.com) – Talaabo naadir ah, diblumaasi sarre oo u dhashay waddanka Eritrea ayaa si furan wuxuu u codsaday in dib loogu soo celiyo dhalasho uu sheegtay in uu ka haystay Soomaaliya. 

Estifanos Afwerki, oo sidoo kale ah safiirka xukuumadda Casmara u fadhiya dalka Japan, ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in la siiyey dhalashadaasi sanadku markuu ahaa 1983-dii kahor burburkii. 

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu hoosta uga xariiqay in uu dalabkaan hordhigay madaxweyne Farmaajo oo ay ku kulmeen garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Tokyo. 

Farmaajo oo galabnimadii Axadda dib ugu laabtay Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika, ayaa waxa uu Japan uga qeybgalay shirka iskaashiga wadankaasi iyo qaaradda Afrika. 

“Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh uga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii: Hal dad #Eritrea,” ayuu yiri.

Ma cadda jawaabta uu Farmaajo siiyey danjiraha, walina Villa Soomaaliya kama jawaabin arrintan, inkasta oo isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo aysan ka jawaabin.

Soomaaliya ayaa sooyaal u leh in ay dhalashooyin siiso ajaaniibta kasoo jeeda wadamada doorka firfircoon ka qaatay halgankii uu dalku xorriyadda kaga soo ceshtay isticmaarkii Talyaaniga iyo Britain.

Xigasho – GaroweOnline


Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...