Moscow (Halqaran.com) – Shirkadda Gazprom ee laga leeyahay dalka Ruushka ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqday inay joojisay Gaaska ay siin jirtay dalalka Bulgaariya iyo Poland, kadib markii ay bixin wayeen lacagta Gaaska Ruushka ee Rubbil.
Shirkadda Gazprom ayaa xustay in laga yaabo in la hakiyo Gaaska sii mara Poland iyo Bulgaariya ee ay siyaan dalalka kale ee reer Yurub.
Wasiirka tamarta Bulgaariya Alexander Nikolov, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay bixinta dhaqaalaha ku saabsan qandaraasyada uu kamid yahay Gaaska.
Nikolov ayaa intaa ku daray in Bulgaariya ay bixisay kharashka Gaaska bishii Abriil, iyada oo la tixgelinayo qandaraaskii ay wada galeen labada dal.
Isku soo wada duub, Poland iyo Bulgaariya, ayaa noqonaya dalalkii ugu horeeyay ee ka tirsan midowga Yurub oo ay Moscow ka joojiso Gaaska, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





