Muqdisho (Halqaran.com)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyaysay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, Qaramada midoobay ayana ku ammaantay dadaalkooda hagar la’aanta ah iyo garab istaaggooda horumarinta nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka guud ee dalka.
“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha” ayuu yiri ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socta si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu raaciyay.
Qoraalka uu soos aaray Xafiiska Qarmada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Waa muhiim in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ey u qalmaan ee siyaasadda, iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada,”
“Waa muhiim in wax-qabadkooda la aqoonsado oo ay la socdaan booskooda saxda ah ee ay ku leeyihiin hoggaanka iyo go’aan ka gaarista nabadda iyo geeddi-socodyada siyaasadda.”
Hal-ku-dhegga sanadkan ee maalinta caalamiga ah ee haweenka ayaa ah ‘Sinaanta Jinsiga Maanta Si Loo Helo Cadaalad.’ Maadaama ay Soomaaliya isu diyaarinayso dowlad cusub, waxaa jirta fursad lagu horumarin karo sinnaanta jinsiga iyo xoojinta siyaasadda haweenka iyo hoggaanka si loo helo nabad iyo horumar waara.
Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga soo xusayay adduunka oo dhan tan iyo 1975, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka. Maalintan waxa ay sunteysaa baaq waxqabad oo loogu talagalay dardargelinta sinnaanta jinsiga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





