Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Maxuu ahaa kulan ka Dhaxmaray James Swan iyo Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika

Muqdisho (Halqaran.com)- Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka  kuan kula qaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye.

 

Sido kale Kulanka dhaxmaray  Ergayga iyo Danjiraha waxa ay diiradda ku saareen muhiimada doorashada Soomaaliya, iyo  xaaladda kala guurka ee AMISOM iyo xoojinta iskaashiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

 

Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika ayaa tilmaamay in muhiim tahay dardar-gelinta doorashada ka socota dalka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka oo gaba-gaba ku dhow.

 

Bankole Adeoye ayaa dhawaan isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayey waxaa ay  soo gaareen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, xili dhowaan la filaayo in magaalada ay ka dhacdo doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...