Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa xaanshi uu soosaaray waxa uu ku dul istaagay Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad, muranka kasoo laabtay, fulin la’aanta waqtiga uu qabtay & xaaladaha kale ee ku gedaaman.
Ugu horreyn waxa uu Guddiga FEIT sheegay in Doorashada Senatarada Aqalka Sare lasoo gaba-gabeeyay, halka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad oo ka dhacday Muqdisho, Dhuusamareeb & Baydhabo lagu doortay 24 Xildhibaan oo Labo kamid ah natiiyajooda lagu dhegan yahay.
Maamulada aan weli Doorashada Golaha Shacabka billaabin sida Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayay ugu baaqeen in ay si deg deg ah u qabtaan Doorashada.
Hoos ka akhriso WarSaxaafadeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





