Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

Uganda iyo Congo oo si wadajir ah u qaaday weerarro ka dhan ah maleeshiyad Weerar ka geystay gudaha dalalkaasi.

Uganda(Halqaran.com) –Dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Talaada maanta ah si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaadka taabacsan Daacish ee loo yaqaan Allied Democratic Forces (ADF), sida ay xaqiijiyeen labada dal.

Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in wali aysan faahfaahin ka bixin karin weeraradaasi, balse ay diyaarinayaan soo gudbinta macluumaadka la xiriiraa duqeymahan.

“Sida la shaaciyay, howlgalka wadajirka ah ee lala beegsaday ayay ciidamada Uganda maanta ku bilowdeen duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lagu beegsaday fariisimaha argagixisada ADF ee DRC,” ayuu ku yiri farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka afhayeenka xukuumadda Congo Patrick Muyaya.

Daacish ayaa sheegtay in xubno ka tirsan oo jooga gudaha dalalkaas ay ka dambeeyeen weerarkii Kampala ee 16-kii November lagu dilay toddobo qof oo ay ku jiraan saddexdii is qarxiyay, ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Julien Ngandayabo oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tiri “Argagax dhab ah ayaa ka jira halkan, gaar ahaan guriga dhexdiisa, sababtoo ah nalooma soo sheegin xaaladdan.” “Dhib badan ayaan kala kulanay ADF, kuwaas oo xasuuqay qoysaskeena, waxaan sugeynaa in tani xal tahay.” yay sii raacisay.

Isniintii, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa diiday inay oggolaato hawlgallo wadajir ah oo ay Uganda la sameyso si ay u baacsato ADF, iyadoo ku adkaysatay inay wadaagayaan oo keliya xogta.

Xigasho:VOA

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...