Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo

Baydhabo(Halqaran.com) –Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay weerar ay Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo ee caasimada Kumeel gaarka ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Weerarka koowaad oo loo adeegsaday madaafiic ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Baydhabo, waxayna ku jawaabeen iyaguna madaafiic.

Sidoo kale waxaa weerarka labaad oo uu xigay dagaal toos ah uu ka dhacay saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhaawacmay madaafiic lagu tuuray saldhig milatari iyo weerar toos ah oo lagu qaaday saldhig booliis.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Baydhabo ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...