Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Canada oo u digtay muwaadiniinteeda ku sugan Dalka Itoobiya

muqdisho(Halqaran.com) –Dowladda Canada ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalkaas.

“Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada.

“Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya, marka laga reebo kan lagu sii-maro garoonka caalamiga ah ee Bole, colaadaha qowmiyadaha, kacdoonka shacabka, colaadaha hubaysan ee ka socda waqooyiga dalka iyo khatarta ah inay ku sii fidaan meelo cusub digniin la’aan” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Canada.

Canada ayaa hore u dhigtay in muwaadiniinteedu ay u safraan waddmo ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Myanmar, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ka jiraan khataro dhinaca amniga ah.

Ugu dambeyntii Dalka Itoobiya ayaa waxaa muddo laba sanno ka socda dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Jabhadda hubeysan ee Tigrey, waxaana dagaaladii ka dhacay dalkaas ku naf-waayay kumanaan dad shacab ah iyo Askar Ciidan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...