Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Bashiir Goobe oo maanta loo dhaariyey Xill Cusub

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiiru dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa Maanta lagu dhaariyey Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu Ajendihiisu ahaa dhaarinta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay wasiiru Dowlaha Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa lagula dardarmay inuu dardar-geliyo shaqada loo idmaday ee ah Wasiiru dowlaha ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta ee Xukuumadda Soomaaliya.

waxaana Wasiiru-dowlaha halkaas ku dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax geesey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka, iyadoo u goob joog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirad Khadija Maxamed Diiriye.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...