Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Safiirka Somalia ee dalka Tanzania oo Waraaqaha Aqoonsiga laga guddoomay

Muqdisho(Halqaran.com) Marwo Danjire Sahra Cali Xasan, ayaa maanta oo Isniin ah, warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ee Jamhuuriyadda Tanzania ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi , Marwo Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma.

 

Sido Kale Intii lagu gudo jiray munaasabadda warqad gudbinta, waxa ay Danjire Sahra Xasan la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, iyadoo carabka ku adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah

Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...