Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com) Qarax is-miidaamin  ah oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa la sheegau in uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo dhimashada qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday kaliya ruuxii is-qarxiyay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Xaaladda goobta ayaa weli aad u kacsan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...