Monday, April 27, 2026
29.9 C
Mogadishu

Doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Jowhar

Jowhar(Halqaran.com) Magaalada Jowhar waxa maanta oo talaado ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.

27 Musharax ayaa u taagan 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ay dooran doonaan qaar kamid ah Musharaxiinta tartameysa.

 

Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hir-Shabeelle ayaa doorashadoodu tahay mid xiiso gaar ah leh, waxaana difaacanaya Sanoterada kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Dr Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Naciimo Ibraahim, kuwaas oo ku fadhiyay kuraastaan Afartii sano ee la soo dhaafay.

 

Xildhibaanada ayaa shalay dhegaystay khudbado ay u jeediyeen Musharaxiinta oo ay uga hadleen waxa ay qaban doonaan marka la doorto, waxaan doorashadan loo arkaa mid loollan adag.

Kursiga ugu adag ee doorashada waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay.

 

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Goobta doorashada goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...