Monday, April 27, 2026
28 C
Mogadishu

Xoghayaha guud ee QM Aamina Jane oo ka warbixisay la kulankeedii Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo shalay ay Muqdisho soo gaartay Kuxigeenka xoghayaha guud ee QM Aamina Jane Mohamed, ayaa waxaa ay ka warbixisay kulamadii ay la yeelatay madaxda Soomaalida sida Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad goboleedyada dalka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Kulanka ka dib ayaa waxaa ay sheegtay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka, waxaana ay war-saxaafadeedka ay ku sheegtay Aamina in mas’uuliyiintu ay muujiyeen hogaamin weyn iyo ka go’anaasho si loo hormariyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay kujiraan talaabooyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah.

“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka waxay muujiyeen hogaamin weyn iyo ka go’anaasho si loo hormariyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay kujiraan talaabooyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah, iyo magacaabista xubno u doodaya in wax weyn lagu daro arrintaasi waxaa kaloo muhiim ah in leysku raaco hab gaar ah oo lagu gaari karo qoonada 30% doorashada soo socota” sidaa ayay tiri Amina Jane

Sidoo kale Mar wax laga weydiiyay arrinta Marxuumad Ikran Tahliil, ayay ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ku sareynta Sharciga iyo Helida Caddaaladdu tahay mid muhiim ah si looga hortago fowdada iyo ku xadgudubka xuquuqda Haweenka oo dhan.

“Waxaan ku kalsoonahay hoggaanka Soomaaliya inay dejiyaan xiisad kasta ayna ka fogaadaan talaabo horseedi karta rabshado oo dib u dhac ku keeni karta doorashada ama wiiqi karta kalsoonideeda”ayay tiri Amina Jane Mohamed

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...