Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Meydkeeda Gabar laba jir oo laga helay gobolka Minnesota

Minnesota(Halqaran.com) –  Waaxda booliska magaalada Edina ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijisay in la helay meydka Ikhlas Cabdullahi Axmed oo aheyd laba jir ah, taas oo muddo 18 saacadood ah la raadiyay, kaddib markii qoyskeedu ay waayeen.

Meydka Ikhlas ayaa laga helay haro biyo oo u dhaw barxadda lagu ciyaarsiiyo carruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay xubno ka tirsan reerkeeda.

Ciidamada booliska, dabdamiska iyo kooxaha gurmadka oo dhowr magaalo ka kala yimid ayaa baaritaan dheer kaddib helay Ikhlas oo aheyd gabar yar oo la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka

“Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa xalay iskugu yimid kulan baroordiid ah iyo duco ahaa.

Gobolka Minnesota oo ah gobolka ugu waraha badan Mareykanka ayaa ilaa hadda sanadkan waxaa biyaha ku geeriyooday 26 qof.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...