Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Maxaa ka Jira In NISA Ay shaacisay in Yaasiin Fareey uu la wareegay xilka uu u magacaabay Farmaajo

Muqdisho(Halqaran.com) – Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaaciyay in Taliyaha cusub ee KMG ah ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ee uu xalay magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka la wareegay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Munaasabad Maanta ka dhacday Xarunta Habar Khadiijo uu xilka kula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi ee uu magacaabay Farmaajo.

Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi ayaa xilka kala wareegay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Madaxtooyada shaacisay inuu is Casilay, isla markaana Madaxweynaha muddo xileedkiis dhammaaday Farmaajo uu Yaasiin Fareey u dhiibay xilka NISA.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay NISA.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin kahor shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana si KMG ah Taliyaha NISA ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe.

Si kastaba Tallaabadan ayaa ah mid looga hortagayo isku dayga Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan in xilka uu kula wareego Agaasimaha kumeel gaarka ee uu u magacaabay HAy’adda NISA Sarreeye Guud Baahiir Goobe.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...