Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

R/Wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha NISA .

Muqdisho(Halqaran.com) – R/Wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin. Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray warqad shaqada looga joojinayo Agaasimiha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in sababta tallaabadaas uu u qaaday ay tahay kadib markii warbixintii Hay’adda NISA ee kiiska Ikraan tahliil aysan noqon mid lagu qanci karo & in Taliyaha NISA uu ka madax adeegay amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in 48 Saac Gudahood uu warbixin ka keeno Kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida faray in uu baaris dhammeystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil kaddibna loo gudbiyo maxkamadaha awoodda u leh arrintaan.

Halkan Ka AKHRISO:

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...