Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Gabar Soomaali oo kufsi wadareed loogu geystay Kenya

Wajeer (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ee dalka Kenya ayaa sheegaya, in duleedka magaaladaasi lagu kufsaday gabar 16 sano jir ah, taasi oo hadda xaaladeeda caafimaad ay aad u liidato, sida ay warbaahinta u sheegeen ehellada gabadhaasi.

Hooyada dhashay gabadhaasi oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay, in saddex nin ay gaari ku qaateen gabadheeda, balse markii ay soo kufsadeen ay dib ugu soo celiyeen halkaasi ay markii hore ka wateen.

Gabadha la kufsaday oo ah Soomaali ayaa la sheegay inay u socotay xilliga falkaasi foosha xun loo geysanayay deegaan lagu magacaabo Bandal oo hoostaga magaalada Wajeer.

Sidoo kale, Hooyada dhashay Gabadha la kufsaday ayaa ka dalbatay Maamulka Magaalada Wajeer in gabadheeda ay hesho cadaalad, isla markaana la soo qabto dadkii ka dambeeyay falka kufsiga ah.

Falkaasi kufsiga ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay Madaxa arrimaha bulshada ee dowlad deegaanka Wajeer, Marwo Faadumo Yuusuf Cabdullaahi, iyadoona sheegtay inuu yahay mid ka baxsan dhaqanka suuban iyo kan caalamiga ah.

Wararka ayaa sheegaya, in laamaha ammaanka ee dalka Kenya gaar ahaan kuwa magaalada Wajeer ay wadaan baaritaanno ay ku baadi goobayaan raggii saddexda ahaa ee kufsi wadareedka u geystay gabadha 16 sano jir ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...