Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG LA HELAY: Ma ogtahay in muwaadiniin Kenyaan ah ay u Tartamayaan Xilka Madaxweynaha Jubbaland?! +(Magacyo)

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland ayaa lagu wadaa in 22-ka bishaan lagu doorto Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KGM ah ee Jubbaland, sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka iyo Xaduudaha Maamulkaas.

Doorashadda waxaa u taagan dhowr musharax uu kamid yahay Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe).

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa xaqiijiyay in doorashadda Kismaayo ka dhacaysa musharixiinta tartamaysa ay kamid yihiin 3-kenyaan, oo haysta dhalashada dalka Kenya, islamarkaana doonayaan in ay hoggaamiye ka noqdaan Dowladd goboleedka Jubbaland.

Muwaaddiniinta Kenyaanka ah ee ku jira doorashada Jubaland ayaa waxaa ay kala yihiin, Shiikh Maxamed Shakuul, Maxamed Marsheeye iyo Cabdi Raage oo heysta dhalashada Kenya.

Xubnahaan oo si hoose ula hadlay wargeyska the Star ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in ay soo faragaliso doorashadda Kismaayo ka dhacaysa.

Doorashadda Jubbaland waxaa laga muujinayaa walaac fara badan oo ay qabaan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee uu tartanka kala dhaxeeyo Axmed Madoobe, odayaasha dhaqanka deegaanada Jubbaland iyo siyaasiyiinta  aan taabacsaneen Axmed Madobe.

Ugu dambeyn, waxaa sidoo kale jira loolan u dhaxeeya Dowladaha Kenya, Qadar iyo Ethopia oo wata Musharixiin ay doonayaan in ay kusoo baxaan doorashadda Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...