Tuesday, April 28, 2026
28.9 C
Mogadishu

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Dayniile iyo mas’uul ka badbaaday qaraxaasi

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay Qaraxyo khasaare gaystay.

Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen waddada Jaayga ee aada Isbitaalka Guutaale oo ku yaallo Degmada Dayniile.

Qaraxaasi koowaad oo aan la garaneyn cidda lala eegtay ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo mareysay nawaaxiga goobta Qaraxa uu ka dhacay sida ilo wareedyo ay inoo xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxa labaad lala eegtay Xoghayaha Degmada Dayniile Mahad Sharaawe gaari uu watay, kaasi oo ku baxay qaraxii hore ee dhacay.

Gaariga uu watay Xoghayaha Degmada Dayniile ayaa waxaa soo gaaray bur bur, waxaana halkaasi ku dhaawacmay wiil yar oo wadada dhinaceeda maraayay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobtaasi ayaa qaaday dhaawacyada dadka shacabka ah oo la geeyay Isbitaalka Dayniile halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Si kastaba, waddada jaayga Degmada Dayniile ayaa dhawr mar hore waxaa dhacay Qaraxyo dhibaateeyay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...