Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Mareykanka oo Soomaaliya siinayo taageero dhinacyo badan leh & weliba…

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Mareykanka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay kulan Muqdisho ku dhex maray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Bayaan ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Morgan Ortagus, ayaa lagu sheegay in Hale uu dib u xaqiijiyey ballanta adag ee Mareykanka uu Soomaaliya uga caawinayo dadaallada is-beddellada siyaasadeed, horumarinta dhaqaale iyo xasilloonida.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu Hale xog ka siiyey horumarrada Soomaaliya ay dhowaan ka sameysay dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo inay kasoo baxdo shuruudaha deyn cafinta, taasi oo Soomaaliya u ogolaan laheyd inay dib u billowdo inay deyn ka qaadato hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

David Hale ayaa muujiyey inuu rajeynayo doorasho nabdoon oo lagu kalsoon karo oo ka dhacda maamulka Jubaland, dabayaaqada bishan, wuxuuna dhiiri-geliyey horumarka ogolaan doono in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya sanadka dambe.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda howl-gallada amni ee lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab haystaan iyo diyaarinta ciidamo Soomaaliyeed oo AMISOM si buuxda ugala wareega nabadgalyada Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...