Friday, May 15, 2026
28.9 C
Mogadishu

”Al-Shabaab waxay doonayaan in ay noqdaan awood siyaasadeed, balse ay ku marmarsiiyoodaan in ay diin u …”

ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira

Muqdisho (Halqaran.com) – Wareysi uu bixiyay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayuu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeyo arrimaha howlgalka AMISOM iyo la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

Wareysigan oo uu Madeira siiyay wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in ay noqdaan awood siyaasadeed, balse ay ku marmarsiiyoodaan in ay diin u dagaalamayaan.

”Argagaxisadu wax ay ku jiraan dagaal siyaasadeed iyaga oo adeegsanaya diinta Islaamka oo ah diin nabadeed oo wanaagsan”, ayuu yiri Madeira.

Ergayga ayaa wareysigiisa si gaar ah ugu ammaanay dadaalka ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOMay ka wadaan Soomaaliya.

Madeira ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dadaal weyn ka geysteen sidii la isugu furi lahaa jidadka xiriiriya magaalooyinka qaar ee ku yaalla Jubbooyinka sida jidka isku xira Dhoobley iyo Afmadoow.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...