Qardho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii la kulmay Nabadoonada iyo Waxgaradka ee Magaalada Qardho.
Mr. Deni oo weli ku sugan Magaalada Qardho ayaa Odayaasha Dhaqan kala hadlay xaaladda ka dhalatay daadadka ku soo rogmaday magaaladaasi.
Odayaasha Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida uu maamulkiisu uga jawaabay illaa iyo haddana u maareynayo xaaladda dhacday iyo imaanshihiisa Qardho.
Madaxweynaha Puntland, ayaa la wadaagay Odayaasha Dhaqanka in dowladda ay ka go’antahay, sidii xal waara looga gaari lahaa togaga iyo meelaha kale ee fududeynaya in biyahu soo galaan magaalada.
Maamulka Puntland ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo shacabka reer Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshoodu saameeyay daadadkii iyo fatahaadii ka dhacay magaalada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com










